Stay Tuned!

Subscribe to our newsletter to get our newest articles instantly!

World

Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa xalay si weyn uga soo qeybgalay munaasabad si weyn looga soo shaqeeyay oo lagu soo dhaweynayay.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa xalay si weyn uga soo qeybgalay munaasabad si weyn looga soo shaqeeyay oo lagu soo dhaweynayay Maamulka Curdankaa ee dhawaan dowlada Soomaaliya aqoonsatay Khatumo Tate of Somalia.

Intabaddan dadkii ka hadlay ayaa ka sheekeeyay marxaladihii la soo maray iyoo Guulaha la gaaray iyaga oo si weyn uguu mahadceliayay Dowlada Soomaaliya oo si hagar la’aan ah u muujisay doorkeeda shacabka SSC.

Qaar kamid ah Haldoorka ka hadlay ayaa uguu baaqay Dhalinyarada isticmaasha Barha bulshada in ay Alle ka baqaan oo ay joojiyaan Dacaayada iyo hurinta waxyaabaha dadka kala fogeynaya.

Maamulka cusub ee Khatumo State of Somalia ayay ugu baaqeen in shacabka ay ugu adeegaan si wanaagsan kana shaqeeyaan Nabadgalyada Horumarka iyo Isku xirka bulshada, si looga soo kabto wixii dhib horey u dhacay.

Barnaamijka waxaa qeyb lixaadleh ka qaadanayay fanaaniinta, Abwaanada iyo Kooxaha dhaantada .

Gudigii soo abaabulay ayaa uga mahdceliyay Jaaliyada sida ay isugu soo baxeen iyo sida ay Soomaalinimada u muujiyeen.

You may also like

Business World

Qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio ayaa iskugu yimid kulan Duco iyo Tacsi iskugu jiray.

Qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio ayaa iskugu yimid kulan Duco iyo Tacsi iskugu jiray oo loo sameeyay Eebe