Stay Tuned!

Subscribe to our newsletter to get our newest articles instantly!

News

Khalilullah Yousuf oo 36 jir ah ayaa qirtay laba dacwadood oo la xidhiidha “qorshaha maalgelinta argagixisada ee ugu weyn Kanada

Khalilullah Yousuf oo 36 jir ah ayaa qirtay laba dacwadood oo la xidhiidha “qorshaha maalgelinta argagixisada ee ugu weyn Kanada” sida laga soo xigtay Royal Canadian Mounted Police (RCMP).

Booliska ayaa sheegay in Khalilullah Yousuf oo deggan Toronto uu qirtay dambiga ah inuu maalgeliyay falalka argagixisanimo ee dibedda isagoo dirayay cryptocurrency iyo lacagaha xawaaladaha laga diro tan iyo 2019 ilaa 2022

Yousuf ayaa sidoo kale qirtay dambiga ah ka qaybqaadashada dhaqdhaqaaqyada argagixisada, ee dhanka Onlineka isaga oo halkaasi ku faafinayay afkaata iyo aragtida xagjirnimada sida ay hadalka uu dhigeen Booliska.

Waxa uu qirtay in uu $15,000 ka ururiyey GoFundMe waxana uu $35,000 ugu deeqay dad badan oo xidhiidh la leh Daacish, oo sidoo kale loo yaqaan Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam (ISIL).

Waxa uu ku xirnaa kooxo kale isaga oo xariir la lahaa lana hadlay shaqsi ku sugan Mareykanka, kaas oo qudhiisa la xiray kadib markii lagu soo helay in uu taageero Daacish.

Yousuf ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah, iyadoo laga jaray waqtigii uu ku jiray xabsiga kahor inta aan maxkamad la saarin. PPSC waxay sheegtay in sidoo kale looga baahan doono inuu shaqeeyo kala badh waqtigiisa ka hor inta aan lagu sii dayn cafis buuxa.

You may also like

News Politics

Trump ayaa saxiixay bayaan uu ku mamnuucayo in ay u safraan Mareykanka muwaadiniinta 12 wadan.

Trump ayaa saxiixay bayaan uu ku mamnuucayo in ay u safraan Mareykanka muwaadiniinta 12 wadan: Afgaanistaan, Myanmar, Jaad, Jamhuuriyadda Kongo,
News Politics

Madaxweyne Trump oo wareysi siinayay Telefishinka NBC.

Madaxweyne Trump oo wareysi siinayay Telefishinka NBC News , ayaa la weydiiyay in uu diyaar u yahay xal u raadinta