Xildhibaan Munira Abdilahi Ayaa Aqalka looga arimiyo gobolka Ohio ku soo dhaweysay Ugaas Mohamed
Xildhibaan Munira Abdilahi oo laga soo doorto xaafada 9aad ee Ohio ayaa Aqalka looga arimiyo gobolka Ohio ku soo dhaweysay Ugaas Mohamed Ugaas Hashi oo Columbus soo gaaray.
Ugaaska ayaa lagu soo wareejiyay goobo taariikhi ah iyo halka lagu gaaro Go’aamada Gobolka xiliga Baarlamanku fadhiyo.
Xubnihii la socday Ugaaska iyo Ugaaska ayaa qeybo kamid ah dhismaha oo aad u weyn ku soo wareegay waxana looga sheekeeyay marxaladihii iyo isbadaladii uu Baarlamanku soo maray iyada oo dhismaha uu kamid ayahay dhismayaasha Taariikhiga ah kuna kaydsanyihiin taariikh facweyn.


Ugaas Mohamed waxa uu ka mahadceliayay sida loogu soo dhaweeyay xarunta Baarlamanka iyo sida Xildhibaan muniira ay waqtigeeda u siisay. Ugaaska ayaa Caawa ka qeybgali doona kulan dhaqaalo aruurin loogu sameynayo Buundooyinka gobolka Gedo oo Columbus ka qabsoomaya.





