Trump ayaa saxiixay bayaan uu ku mamnuucayo in ay u safraan Mareykanka muwaadiniinta 12 wadan.
Trump ayaa saxiixay bayaan uu ku mamnuucayo in ay u safraan Mareykanka muwaadiniinta 12 wadan:
Afgaanistaan, Myanmar, Jaad, Jamhuuriyadda Kongo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan and Yemen
Waxaa jira todobo wadan oo dheeri ah oo muwaadiniintooda ay wajahayaan xayiraad dhanka safarka ah: Burundi, Kuuba, Laos, Siiraaliyoon, Togo, Turkmenistan and Venezuela


Mamnuuciddu waxay dhaqan galaysaa Isniinta soo socota
Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid maamulka Trump falcelin kaga samynayo dhacdadii dadka badani ku dhaawaceen kaa soo ka dhacay Colorada.
Muuqaal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth, ayuu Trump ku sheegay in weerarkii dhawaan lagu eedeeyay ee ka dhacay Boulder, Colorado “uu hoosta ka xarriiqay khatarta xad dhaafka ah” ee ay leeyihiin dadka ajnabiga ah ee aan si sax ah loo baarin.
12 qof ayaa lagu dhaawacay Colorado Axadii kadib markii nin uu weeraray koox taageersan Israa’iil. Ninka lagu eedeeyay inuu fuliyay weerarka ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Masar.





