Hay’ada ZAMZAM Women & Family Center ee fadhigeedu yahay Columbus Ohio ayaa qabatay kulan looga hadlayay.
Hay’ada ZAMZAM Women & Family Center ee fadhigeedu yahay Columbus Ohio ayaa qabatay kulan looga hadlayay bad qabka caruurta aan qoysaskooda la nooleyn iyo helida Dad Soomaali ah oo marka ilmaha laga qaato qoysaskooda loo dhiibo taas oo samata bixin karta caruurta marka ay waayaan Gurigooda iyo qoyskooda.
Waxaa ka hadlay dad ay dhibaatooyin baaxad leh ka qabsatay caruurtooda oo laga qaatay iyo dhibka ay kala kulmeen dadka loo dhiibay.
Muhiimad gaar ah ayay lahayd in Hay’ada ZAMZAM ay qoreysay dad loo tababari doono in ay noqdaan kuwo ilmaha Haaya isla markaana dowlada kala wareega marka qoysaskooda laga qaato.


Deeqo Hajo oo madax ka ah barnaamijkan kana mid ah dadka caruurta laga qaatay ayaa hal mar badashay jawiga dadkii barnaamijka aka soo qeybgalay kadib markii ay ka sheekeeysay waxa ay la soo kulantay iyo waxa ay wajahayaan qoysas badan oo Soomaali ah kuwaas oo ilmahooda laga qaatay hadana aysan hayn dad ay isku dhaqan, isku diin iyo isku Af midna ahayn, taas oo sababai karta in oo qaloocdo mustaqbalka ilamaha ee dhanka Diintooda iyo dhaqankooda.
Inkasta oo ay diiniyan banaantahay in ilmaha yar yar la koriyo hadana in ilmaha Soomaaliyeed ay helaan qoysas Soomaali ah ayaa ah fursad lagu samatabixin karo caruurta la qaato.





