Magaalada Portland gobolka Oregon oo dhaca cirifka waqooyi Galbeed ee dalka Maraykanka todobaadkan waxaa ka dhacday
Magaalada Portland gobolka Oregon oo dhaca cirifka waqooyi Galbeed ee dalka Maraykanka todobaadkan waxaa ka dhacday munaasanad balaaran oo lagu xusay maalmaha xoriyada soomaaliya ee 1da Luulyo iyo 26ka June iyo weliba sidoo xoriyadab 4ta july ee dalka Maraykanka.




Soomaalida ku nool gobolka Oregon gaar ahaana magaalada Portland, kuwo ka tagay gobolo kale oo dalkan Maraykanka ah iyo mas’uuliyiin ka yimid soomaaliya ayaa ka qeyb galay xaflada oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayna si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen ururka Cairo pdx, xarunta adeegyada soomaalida, jaaliyada koonfur galbeed ee portland,, xarunta horumarinta soomaalida iyo sidoo kale hay’ada horumarinta afrika.
Hadalo ku aadan xuska iyo weynaynta maalamaha 26ka June iyo 1da Luulyo ayay jeediyeen qaar ka mid ah ah ka soo qeyb galayaasha ayagoo xusay in maalmahaan ay ku yimaadeen naf hurnimo, hardan dheer iyo iskaashi dhalinyaro soomaaliyeed ay u galeen in jiilka maanta jooga ay nacfiyaan xornimada iyo dal ka madax banaan gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Laakiin Wasiir hore ahna musharax madaxweyne soomaaliya Abdi Adam Hoosow oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabada ayaa su’aal ku aadan madaxbanaanida soomaaliya weydiiyey ka soo qeyb galayaasha taasna ay u baahan tahay buu yiri in la isweydiiyo lagana fakaro, waxaa uu mahad balaaran u jeediyey hooyooyinka soomaaliyeed gaar ahaana kuwa qurbaha ku koriyey caruurta oo ah hogaamiyeyaasha mustaqbalka dalka waxaa uu dardaaran u jeediyey dhamaanba dadkii ka soo qeyb galay xaflada in ay ka dhabeeyaan soomaalinimada.
Nafisa Faay oo ka mid ah golaha Washington county ee gobolka Portland ayaa gudoonsiisay Abdi Adam Hoosow bilad abaal marin ah oo ay qaban qaabiyeyaashu ku sharfeen.
Fanaaniin kala duwan iyo dhalinyaro ku lebisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka ayaa dhankooda kaalin lixaad leh ka qaadanayey munaasabada kuwaas oo soo bandhigay heeso wadeni ah iyo ciyaaraha dhaantada.
Sanadkaan ayaa u muuqda mid ay soomaalida si aan kala har lahayn dal iyo dibadba ugu dabaal dageen xuska 1da Luulyo iyo 26ka June.




