Stay Tuned!

Subscribe to our newsletter to get our newest articles instantly!

Business World

Qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio ayaa iskugu yimid kulan Duco iyo Tacsi iskugu jiray.

Qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio ayaa iskugu yimid kulan Duco iyo Tacsi iskugu jiray oo loo sameeyay Eebe haw raxmadee Gen. Mohamed Said Hirsi Morgan oo ka mid ahaa saraakiishii ciidanka qaranka kuwoodii ugu caansanaa.

Marxuumk ayaa ku geeriyooday dalka Kenya, waxayna u mariyeen duco iyaga oo danbi dhaaf Alle u weydiiyay, sidokalena ka codsaday Ummadda Soomaaliyeed in la iska cafiyo maadama uu Marxuum yahay manta. Saraakiil ay isku xili ahaayeen ayaa ka sheekeeyay taariikhdiisa islamarkaana ku tilmaamay in uub ahaa nin wanaagsan Go’aan leh, isla markaana dadka la soo shaqeeyay aysan wax xadgudub ah ka sheegan.

Qorka uu ka dhashay iyo qoyska reer Barre oo xaaskiisu ka dhalatay ayaa Tacsi wada jir ah loo diray gaar ahaan caruurtiisa allena loo weydiiyay Samir. Gen. Morgan waxa uu leeyahay Taarikh Facweyn oo qolaba si u macnaysatay taas oo wanaag u baddan waxana lagu xasuusan doonaa halgankiisii dagaalkii 77 iyo Difaacii qaranimada Soomaaliya.

Allaha u naxariisto General Morgan.

You may also like

World

Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa xalay si weyn uga soo qeybgalay munaasabad si weyn looga soo shaqeeyay oo lagu soo dhaweynayay.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa xalay si weyn uga soo qeybgalay munaasabad si weyn looga soo shaqeeyay oo lagu